U bood dhigaalka

Soomaaliya Iyo Imaaraadka Oo Kullamo Ku Yeeshay Sacuudiga

Sheeko:Dalka

Sida ay qoreyso SONNA waxaa shir doceed dhinac socday kullamada Jaamacadda carabta ee dalka Sacuudiga yeeshay diblomaasiyiin ka socday Soomaaliya, Imaaraadka  iyo Jaamacadda Carabta iyaga oo isla falanqeeyeen sidii loo dhammeyn lahaa xiisadda taagan, Dowladda Soomaaliya ayaana sheegtay in ay soo dhaweynayso wada xaajood walba oo lagu dhammeynayo is faham waaga, iyada oo la ilaalinayo madaxbanaanida lana xushmeynayo xiriirka labada wadan.

Garwadeenada wada hadalka ee ka socday Jaamacada carabta ayaa sheegay in horumar fiican laga sameeyay wada hadalka, labada dhinacna ay muujiyeen isu soo dhowaasho, waxayna u ballameen fadhiyo kale si loo soo afjaro xiisadda labada dowladood ka dhex taagan.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa mugdi galay kadib markii Muqdisho ay dalbatay in Abu Dhabi joojiso faragelinta ay ku heyso Soomaaliya.

Goobjoog News