U bood dhigaalka

Soomaaliya Iyo Ingiriiska Oo Ka Wadahadlay Xoojinta Xiriirkooda

Sheeko:Dalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay Muqdisho Safiirka cusub ee Boqortooyada Midowday u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Benjamin James Fender.

Mudane Danjire Axmed Cawad waxa uu soo dhoweeyay Danjire Ben Fender, isagoo ugu hambalyeeyay kalsoonida boqortooyo ee qaaliga ah ee uu ku helay in xilkani loo magacaabo.

Wasiirka waxa uu kala hadlay Safiirka dhowr arrimood, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hore loo sii wado, lana xoojiyo xiriirka taariikhiga ah ee labadda dal ee dhinacyo kale duwan leh, si gaar ah arrimaha amniga iyo dano wadaagga istiraatiijiyadeed.