U bood dhigaalka

Soomaaliya Iyo Itoobiya Oo Guddi U Saaraya Webiyada, Adis Ababa 500 Oo Deeq Waxbarasho Ayey Soo Dhiibtay

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Yusuf Garaad Cumar oo golaha wasiirrada warbixin ka siiyay safarkii madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee Itoobiya ayaa sheegay in labada dhinac ay gaareen heshiisyo dhowr ah.

Madaxda labada dal ayaa isku afgartay in Soomaaliya siyaasadeedda arrimaha dibadda looga dambeeyo Madaxweyne Farmaajo, waxaa kaloo laga hadlay ammaanka xirirka Socdaalka iyo sidoo kale arin kusabsan wabiga oo gudi loo saaray.

Arrimaha Webiyada waxaa uu sheegay Yusuf Garaad in labada dhinac ay isku afgarteen in loo saaro guddi arrimhaas baaritaan ku sameeya, warbixinnada diyaariya.

Dhinaca kale, Ra’isul Wasaaraha Itoobiyaha Hailemariam Dessalegn ayaa Soomaaliya siiyay deeq waxbarasho oo gaareysa 500, ardey Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa in ay ka faa’ideystaan.

Goobjoog News