U bood dhigaalka

Soomaaliya Iyo Itoobiya Oo Guddi Wasiirro Isku-dhaf Ah Yeelan-doona March 2018

Sheeko:Dalka

Kulan doceed ay wasiirrada arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Itoobiya Axmed Ciise Cawad iyo Dr. Workneh Gebeyehu ku yeesheen magaalada Adis Ababa ayaa la qorsheeyay in labada dal si wada jir daaha-uga qaadaan isla markaana sameystaan guddi wasiirro oo isku-dhaf ah oo kullamo joogta yeesha laga bilaabo horraanta bisha March 2018.

Kulan oo ahaa mid gaar ka ahaa kullama fadhiga 32aad ee golaha fulinta ee midowga Afrika ayuu Dr. Workneh, wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya soo-jeediyay in sameeyaan guddi wasiirro isku-dhaf ah oo kullamo joogta qaata iyo in odoyaasha Soomaalida ay booqdaan dalka Itoobiya si loo helo is-dhexgal bulsha oo dadka dhexdiisa ah.

Dhankiisa, Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in xiriirka iyo wada shaqeynta labada dal uu gaar heer sare, isaga oo ammaanay kaalinta Itoobiya ka qaadato nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya iyo dunida iyo dhaq-dhaqaaqaa diblomaasiyadeed ee ku aadan xiriirka labada dhinac.

Goobjoog News