U bood dhigaalka

Soomaaliya Iyo Itoobiya Oo Iska Kaashan Doona Amniga, Dhaqaalaha Iyo Waxbarashada

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay Ra’iisul wasaaraha Ethiopia, Dr. Abiy Ahmed.

Kulankan oo ahaa mid miro Dhal ah ayaa qodobadii labada Ra’iisul wasaare ay uga wada hadleen waxaa kamid ahaa Kobcinta dhaqaalaha, Horumarinta caafimaadka, waxbarashada, iyo amniga guud ahaan gobolka gaar ahaan sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka argagixisada.

Wasiirka Qorshaynta Xukuumadda fedetaalka, Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda, safiirka Soomaaliya ee dalka Ethiopia iyo xubno ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku wehliyay Ra’iisul Wasaare Khayre kulanka uu la qaatay Ra’iisul wasaaraha Ethiopia.

Kulankaan ay Addis Ababa ku yeesheen labada Ra’iisul Wasaare ayaa noqonaya kii u horreeyey tan iyo markii uu Dr. Abiy Ahmed noqday Ra’iisul wasaaraha dowladda Ethiopia.