U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Japan oo ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka labada Dowladood

Sheeko:Caalamka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay waxa uu kulan doceed kula yeeshay magaalada Tunis ee uu ka socdo shirka caalamiga ee TICAD8, Wasiirka Arrimaha Dibedde ee Japan Yoshimasa Hayashi, kaas oo kamid ahaa mas’uuliyiintii ka socotay dalkaas.

Labada masuul waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka taariikhiga ah, iskaashiga iyo wax wadaqabsiga u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Japan. Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay dhankiisa dalka  Japan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiso dowladda federalka Soomaaliya.

Wasiir Hayashi,ayaa sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay xoojinta xiriirka ganacsi, amni iyo siyaasadeed – isagoo intaa raaciyay inay gacan ka geysan doonaan barnaamijyada horumarineed ee wax loogu qabanayo shacabka, wafdiga Soomaalida ah ayaa wali ku sugan dalka Tunisia oo ay kaga qeyb galayaan shirka TICAD.

Tokyo International Conference of African Development ayaa waxaa uu soo bilowday sanadkii 1993-dii, dowladda Japan ayaa martigelisa, waxaana looga hadlaa hormarinta , nabadda iyo ammaanka dalalka ku yaalla qaaradda Afrika, iyadoo lagu wado in maanta galinka dambe laoo gabagabeeyo war-murtiyeen laga soo saaro.

Goobjoog News