U bood dhigaalka

Soomaaliya Iyo Qadar Oo Ka Wada Hadlay Horumarinta Cayaaraha.

Sheeko:Cayaaraha

Magaalada Muqdisho waxaa kulan muhiim ah kuwada yeeshay safiirka Qadar u fadhiya Soomaaliya Xasan Xamsa Asad iyo wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada dowladda Khadiijo Maxamed Diiriye waxayna ka hadlaan horomarinta iyo kor u qaadida isboortiga Soomaaliya.

Kulankan ayaa lagu gorfeeyay qaabka dowladda Qadar ay gacan uga geysan laheyd horumarinta arrimaha isboortiga iyo dhallinyarada si musqabalka loo gaaro guulo waaweyn.

Dalalka Soomaaliya iyo Qadar waxaa ka dhaxeeyo xiriir aad u wanaagsan ee dhinaca ganacsiga,siyaasada,dhaqanka waxaana magaalada Doxa ku nool Soomaali badan.

Qoraal lagu soo daabacay bogga Facebook Wasiir Khadiijo Diiriye ayaa sidan u qornaa

“Waxaan la kulmay danjiraha dowladda Qadar u joogo Soomaaliya Amb, Xamsa waxaan ka wada-haddalnay sidii loo horumarin lahaa Isboortiga  Soomaaliya iyo dhalinyarada,wuxuu ahaa kulan lagu lafa-guray qaabka ugu habboon ee loo horumarin karo ciyaaraha iyo dhalinyarada”.

 

02-02-2019-Akram Cafiif oo ah ciyaarahan asal ahaan Soomaali ah,balse haysta dhalashada wadanka Qadar ayaa xulka kubadda cagta Qatar kula guulaystay koobka Qaramada Asia,Akram ayaa ahaa laacibka ugu wanaagsan xulka Qatar,isaga oo baasay 11 ka mid ah 19-ka gool ee xulkaas ka dhaliyay koobkii ay hanteen bishii Febraayo Akram Cafif waxaa dhalay Xasan Cafif Yaxya oo ka mid ahaa ciyaartooydii xulka Qaranka Soomaaliya inta u dhaxeysay 1972-ki ilaa 1980-ki.

“Waxaa muuqata rajo wanaagsan oo dhinaca iyo ciyaaraha Soomaaliya,hadii aanu nahay dowladda Qadar waxaan wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada dowladda ka taageeridoonaa dhinacyo badan oo isboortiga,si guulaha iminka la gaaray loo sii wado”waxaa sidaas sheegay safiirka Qadar u fadhiya Soomaaliya Amba Xamsa.

 28-Febraayo 2019-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo safar shaqo ku joogay Magaalada Doxa ee dalka Qadar ayaa halkaas kula kulmay ciyaartooydii hore ee Soomaaliya Bashiir Fox iyo Xasan Cafiif,Madaxweyne Farmaajo waxa uu Xasan Cafif iyo wiilkiisa Akram  uga mahad celiyay sharfta ay u soo hoyeen magac Soomaaliya maadam Akram horantii Febraayo xulka Qatar kula guulaystay koobka Qaramada Aasia ee ka dhacay wadanka Imaaraatka Carabta.

Wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada dowladda oo kaashanaysa xiriirada dalka ayaa si wadajir u wada dadaalo ku aadan kor u qaadida tayada ciyaaryaha Soomaaliya,si mustaqbalka loo gaaro guulo waaweyn.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle