U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Qatar oo Dalalka Carabta Ku Diiday in La Cambaareeyo Turkiga

Sheeko:Baarlamaanka

Dalalka Soomaaliya iyo Qatar ayaa sabtidii iska diiday bayaan ay dalalka carabta soo saareen oo ka dhan ah dalka Turkiga. Carabta oo kulan degdeg ah ka yeeshay duqeyn ay Turkida ka wadaan waqooyiga Suuriya ayaa go’aansaday in Turkiga la go’doomiyo siyaasad, dhaqaale, waxbarasho  iyo dalxiisba.

Sii-haya Safaaradda Soomaaliya ee Qaahira Towfiiq Axmed Cabdulaahi oo arrintan ka hadlaya ayaa yiri” Turki waa dal saaxiib ah”, isaga oo adkeeyey “ Waxaa ay wax badan u qabatay Soomaaliya shacab iyo xukuumadba, waxayna qeyb ka noqotay dib u dhiska Soomaaliya kadib dagaalladii sokeeye”.

Towfiiq oo sii-hadalaya “Waxaad garab taagneydeen(Carabta), oo welina sameysaan shacabka Soomaaliyeed inuu dhibaatada ka baxo, waxaa kale oo jiray dalal saxiibo ah sida Turkiga oo qeyb ka ah dhismaha ciidamada si dib loo soo celiyo awoodiisa”.

Dhankiisa waxaa Towfiiq Axmed sheegay in Soomaaliya ay garab taagan tahay shacabka Suuriya inuu xal u helo dhibaatada gudahooda ah, lana ilaaliyo midnimada iyo qarannimada Suuriya.

Goobjoog News