U bood dhigaalka

Soomaaliya Iyo Shiinaha Oo Isku Afgartay Fulinta Mashaariic Horumarineed

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad yaa booqday shirkadda dhismaha ee Shiinaha waxaana ku soo dhoweeyay Madaxweyne ku xigeenka Mr. Lu Jing.

Wasiir Axmed Cawad ayaa ka qeyb-galay wareegga 8-aad ee Madasha kulanka wasiirrada Shiinaha iyo Carabta ee loo yaqaanno “CASCF”. Waxaa uuna isku dayayaa inuu soo celiyo xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhinacyada Beeraha, Waraabka Korontada biyaha laga dhaliyo iyo Mashaariic kale oo horumarineed oo ay ka mid yihiin dib u dhiska theater-ka qaranka, Isbitaalka Banaadir iyo wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

Wasiir Cawad ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka faa’ideysan doonto Iskaashiga ay la leedahay Shiinaha kuna saabsan Kaabayaasha Dhaqaalaha.

Wasiirka oo wareysi Siiyay Tv-ga Shiinaha CG TV qeybtiisa Carabiga ayaa tilmaamay in uu rajeynayo inay horumaraan xiriirada ay leeyhiin Soomaaliya iyo Shiinaha gaar ahaan dhinacyada Siyaasadda, Dhaqanka, Dhaqaalaha iyo Bulshada.

Wasiirka waxaa uu yiri “ Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay dunida Carbeed iyo Afrikaba waxaa ay ka faa’ideysan doontaa Mashruuca ku aadan adkeynta iyo xoojinta wadada horumarka uuna bilaabay Shiinaha Soomaaliyana waxaa ay uga faa’ideysaneysaa dib u dhiskeeda iyo Kabayaasheeda dhaqaalaha,waxaan ku dadaaleynaa inaan horumarinno xiriirkeenna Shiinaha, Soomaaliya waa saaxiibkii hore ee Shiinaha, hadduu alle idmo waan horumarin doonnaa xariinkeenna Shiinaha ee dhinacyada Siyaasadda, Dhaqaalaha, iyo bulshadaba”.

Wafdi ka socda Shiinaha ayaa booqday maamulka Puntland ee waqooyi bari Soomaaliya bishii Maarso 2015-kii waxayna doonayeen in ay xiriir adag la sameytaan maamulka, taasi oo suurto gal aheyd in Shirkadaha waaweyn ee Shiinaha ay soo hindisaan Fursado cusube ee qaarada Afrika, gaar ahaan bariga Afrika.

Shiinaha ayaa si rasmi ah safaarad dib uga furtay Muqdisho August 2014-kii, xilligaasi oo Soomaaliya ay u fidisay caawimaad.

Dalka Shiinaha ayaa saaxiib la ah Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya, waxayna ka badantay xiriirka ka dhaxeeya labada Shacab in ka badan 600 oo sano.

Goobjoog News