U bood dhigaalka

Soomaaliya Iyo Suudaan Oo Kala Saxiixday Heshiis Dhinaca Iskaashiga Ah

Sheeko:Dalka

Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan ayaa Magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan waxa ay ku kala saxiixdeen heshiis ku saabsan iskaashiga labada dowladood.

Wasiirka Batroolka iyo macdanta xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng Cabdirashiid Maxamed Axmed oo ku sugan magaalada Khartuum ee dalka Suudaan ayaa dhigiisa dalkaasi caadil Cali Ibraahim waxa uu la saxiixday heshiis iskaashi iyaga oo isku raacay in labada dhinac ay xoogga saaraan sidii loo xoojin lahaa iskaahiga labada dowladood.

Sidoo kale wasiirka Batroolka Soomaaliya ayaa inta uu ku sugnaa dalkaasi waxa uu booqday xarumha  kala duwan ee lagu soo bandhigo wax soo saarka macdanta dahabka isaga oo dhinaca kale kulamo la qaatay shirkadaha soo saara macdanta dalka Suudaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa 8-dii bishan waxa uu saxiixay sharciga batroolka dalka oo muddo 33-maalmood ah horyaalay xafiiskiisa.

Booqashada wasiirka Batroolka Soomaaliya ee dalka Suudaan gaar ahaan goobaha lagu soo bandhigo macdanta ayaa ku soo aadaysa xilli Shirkado caalami ah ay horay sahmin uga sameeyeen macdanta ku jirta gudaha Soomaaliya.

Goobjoog News