U bood dhigaalka

Soomaaliya Iyo Turkig Oo Heshiis Ganacsi Kala Saxiixday

Sheeko:Dalka

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda federaalka Soomaaliya Abuukar Maxamed Daahiye iyo Ruugta Ganacsiga Soomaaliya ayaa kulan muhiim ah dhowaan waxay  la yeesheen  Mas’ulyiin ka socday Wasaaradda  Ganacsiga ee Turkiga .

Xogayaha Guud ee Wasaardda Gancsiga  Soomaliya Abuukar Max’ed Ayaa Goobjoog News u sheegay in heshiis la xiriira ganacsiga ay la galeen wadanka Turkiga waxa uuna yiri “Wafdi annagoo ah ayaa magaalada Muqdisho ka baxnay  annagoo casuumaad ka helnay xogyaha joogtada ah ee wasaaradda ganacsiga  iyo canshuuraha  dalka Turkiga,  wafdigeenna waxaan gaarnay magaalo madaxda Turkiga Ankara annagoo sii marnay  Istanbul”

Xogyaha ayaa sheegay in  ay la kulmeen  ku xigeenka xogyaha joogtada ah ee wasaaradda ganacsiga iyo canshuuraha dalka Turkiga ayna kawada hadleen sidii loo horumarin lahaa arrimaha la xiriira ganacsiga Soomaaliya sidoo kale waxay ugu baaqeen inuu Turkiga ay maalgashadaan Soomaaliya.

Xoghayaha ayaa sheegay in ugu dambeyntii ay la saxiixdeen heshiis wasaaradda ganacsiga iyo canshuuraha kuwaas oo la xiriira sidii loo horumarin lahaa ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya, waxa uu xusay in uu heshiiska uu  ku jiray sidii kor loogu qaadi lahaa xubinta ganacsiga Soomaaliya iyo sidii ay u wada ganacsan lahaayeen labada dal.

Turkiga ayaa sanadkii lasoo dhaafay waxay Soomaaliya usoo dhoofiyeen badeeco dhan Boqol iyo Sagaal Milyan, haddana loo baahanyahay in la adkeeyo xiriirkaas.

Dowladda Turkiga ayaa waxay kamid tahay dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya iyada oo ka furtay magaalada Muqdisho mashaariic kala duwan.

Goobjoog News