U bood dhigaalka

Soomaaliya Iyo Turkiga Oo Heshiis Kala Saxiixday

Sheeko:Dalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Axmed Ciise Cawad, ayaa shalay Istanbul kula saxiixday heshiis dhiggiisa Turkiga Mudane Mevlüt Çavuşoğlu.

Heshiiskan ay kala saxiixdeen Soomaliya iyo Turkiga ayaa ku saabsan isdhaafsi dhul safaaradeed labada dal ee walaalaha ah ay ku kala yeelanayaan Ankara iyo Muqdisho.

Soomaaliya iyo Turkey waxaa ka dhexeeya xiriir diblomaasiyadeed oo xooggan iyo wax wadaag istiraatiijiyadeed oo dhinacyo badan leh oo nacfi wadaag ah.