U bood dhigaalka

Soomaaliya Iyo Turkiga Oo Kala Saxiixdey Heshiisyo Iskaashi Iyo Wax Wadaqabsi

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Recep Tayyip Erdoğan, ayaa ka qeybgaley munaasabad ka dhacdey magaalada Muqdisho oo ay labada dalka ku kala saxiixdeen heshiisyo dhowr ah oo iskaashi.

Heshiisyada ay labada dal kala saxiixdeen oo gaaraya sagaal ayaa waxaa ka mid ah:

-Iskaashi dhexmaraya Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA iyo Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu (AA).
– Heshiis la xiriira canshuuraha.
– Heshiis dhinaca caafimaadka xoolaha
– Heshiis dhinaca kobcinta iyo xaq-dhowrka maalgashiga.
– Heshiis dhinaca tababarka booliska.
– Heshiis dhinaca waxbarashada.
-Heshiis dhinaca tababarka iyo iskaashiga caafimaadka milatariga.
– Heshiis dhinaca tamarta iyo macdanta.
– Heshiis dhinaca shaqada, shaqaaleynta iyo tayeynta xirfadaha.

Heshiisyadan waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibedda, Dr. Cabdisalaam Hadliyeh Cumar, Wasiirka Maaliyadda, Maxamed Aadan Ibraahim, iyo Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Wararka ee SONNA Cabdiraxmaan Yuusuf.

Dhinaca Turkiga waxaa heshiisyadan qalinka ku duugay Wasiirka Dhaqaalaha, Nihat Zeybekci, Wasiirka Arrimaha Dibedda, Mevlüt Çavuşoğlu iyo Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Wararka ee Turkiga Andolu, Senol Kazanci.

—————-DHAMMAAD—————–
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada