U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Turkiga Oo Ku Heshiishay La Dagaalanka Argigixisada

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha gudaha Turkiga Süleyman Soylu iyo wasiirka amniga gudaha ee Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa ku heshiiyey jimcihii  in labada dal ay si simman ula dagaalaan argigixisada.

Arinkaani ayaa yimid ka dib markii wasiirka arrimaha gudaha Turkiga Süleyman Soylu uu ku soo dhaweeyay wasiirka amniga gudaha Soomaaliya Abuukar Islow iyo wafdi la socday magaalada Ankara ee caasimadda Turkiga sida ay sheegeen ilo dhanka amniga ah.

Ilo wareedyadaan ayaa waxay tilmaameen in labada wasiir ay isla gorfeeyeen sidii la is kaga kaashan lahaa la dagaalanka ururka Fethullah Gülen ee argigixisada ah.

Dhanka kale waxay kawada hadleen tobabarista ciidamo gaar ah oo boolisa kuwaas oo lagu wado in laga dhiso Soomaaliya.

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa labadii maalmood ee ugu dambeysay waxaa uu booqasho ku joogay Ankara isaga oo halkaasi kula kulmay madaxda Turkiga oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha.

Goobjoog News