U bood dhigaalka

Soomaaliya ku Jirta Dadaallo ay Qeyb uga Qaadaneyso Gurmadka Dadka uu Dhibaateeyay Dhulgariirka ka Dhacay Turkey.

Sheeko:Dalka

Dowladda Soomaaliya ayaa bilowday olale ay lacag uga aruurineyso dadweynaha si ay qeyb uga noqdaan gurmadka uu caalamku la gaarayo dadka uu wacyeeleeyay dhulgariirk ka dhacay qeybo ka mid ah Turkey iyo Suurya.

Olaha ayaa waxaa daahfuray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamze Cabdi Bare waxa uuna ka codsaday dadweynaha iney bixiyaan wixii karaan kooda ah maalintii Khamiista.

Horay Ra’iisul wasaaraha ayaa u magacaabay guddi uu hoggaaminayo wariiska arrimaha Gudaha Soomaaliya Ahmed Moalim Fiqi, maalin kadib markii uu soo saxiixay buuga tacsiday oo yaalay safaaradda Turkey ee Soomaaliya.

Olaha ayaa waxaa live laga dhiga warbaahinta maxliga ah waxaana qeyb ka ah bulshada rayidka, ururada diinta, ganacsata iyo dadka caanka ka dhex ah bulshada.

Guddiga ayaa sheegay in gudmadklaan uusan aheyn mid gargaar ka li ah balse uuyahay amaal gud ay bulshada Turkiga u hayaan dadka Soomaaliyeed, waxayna sheegeen in aan la fileyn hanta badan balse ay qabaan barbar istaag ah in ay dadka Turkiga ku noolyihiin qalbiyaa dadka Soomaaliyeed.

Olaha waxaa qeyb ka aha bahda warbarashada sida jaamacadaha iyo dugsiyada, ganacsatada qeybaheeda kala duwan, bahda caafimaadka, maamulada dalka, iyada oo maamul walba madaxweynihiisa uu qoondo ku qoray dowlad goboleedkiisa.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay qoondo ka mid mushaarkooda in loo jaro gudmadka Dalka uu dhibaateeyay dhulgariirka.

Olaha oo warbaahinta ka socday saddex maalin ee la soo dhaafay ayaa waxaa lagu qadaa in la soo xiro maalinta beri ah oo la shaaciyo qidmadda lacageed ee la aruuriyay.

Dhanka kale shirkadaha iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Turkey ayaa siyaabo kala duwan lacag uga deeqay gurmadka dadka ku wacyeeloobay dhulgariirka ku dhacay Turkey 6 bisha February.

Turkey ayaa waxay dadka Soomaaliyeed ku xasuustaan gurmadkii ay u fidiyeen dadka Soomaaliyeed markii ay abaarto iyo colaadaha saameeyeen 2011.

Dalka Turkey waxaa deeq waxbarasho ku jooga kumanaan arday Soomaaliyeed ah, waxaan jira xiriir ganacsi oo xooggan oo dhex mara ganacsata labada dalka.

Dhan kale waxay kab miisaaniyadeed siiyaan dowladda Soomaaliyeed, waxayna qeyb ka qaataan dib u dhiska Ciidanka Soomaaliyeed iyo la dagaalanka kooxda Al-shabaab.

Goobjoog News