U bood dhigaalka

Soomaaliya: Mareykanka Oo $900 million Ku Bixin-doona Banii’aadnimada, Waxbarashada iyo Dowlad wanaagga

Sheeko:Dalka

Dowladda Mareykanka oo sheegtay in joogitaankeedda Muqdisho ay ballaarisay wixii ka dambeeyey December 2, 2018ka ayaa maanta  ku dhawaaqday in ay ku bixineyso maal-gelinta Soomaaliya lacag dhan $900 million.

Qoraal ka soo baxay safaaradooda Muqdisho ayaa lagu sheegay in doorkoodu markii hore ahaa arrimaha gargaarka, balse ay u baahantahay in ay ballaariso arrimo ay ka mid yihiin: waxbarashada, caafimaadka, dhisidda hay’adda dowladda, dowlad wanaaga, cadaaladda, shaqo abuurka  iyo horumarinta dhaqaalaha si shacabka Soomaaliyeed u helaan amni iyo xaslooni.

Arrimaha Banii’aadnimada: 

Sanadkan waxaa ay Mareykanku ugu talo-galeen arrimaha banii’aadnimada ilaa $420 million. 

Shaqo-abuur: 

Waxaan shaqo u abuurnay saddaxdii sano ee la soo dhaafay in ka badan 1,600 oo isugu jiro shaqooyin joogta ah, iyo kuwa gaarka loo leeyahay. ( dhinaca caanaha oo kaliya waxaan ka caawinay inaan u sameyno ilaa iyo 500 oo shaqo  joogta ah iyo 650 oo shaqo xilliyadeed ah, waxaana islamarkaasna ka caawinay in shirkada Irmaan aysan xirmin taasi oo hadda soo saarto in ka badan 3,500litre oo caano ah maalintii.

Dowladda Mareykanka waxa ka shaqeyneysaa sidii loo casriyeyn lahaa goroonka diyaaradaha ee Muqdishu iyo Dekeda si loo abuuro ganacsi iyo shaqooyin.

Deyn cafinta Soomaaliya:

Waxa ay sheegeen in tixggelin siin doonnaan sidii loo cafin lahaa deynta soomaaliya si wadanka Soomaaliy u u soo jiido maalgashiga shisheeye.

Waxbarashada: 

Waxaan ka caawinnaa waxbarashada dugsiga sare ilaa 160,000 oo dhaliyaro oo ku sugan Soomaaliya iyo 20,000 oo dugsiyada hoose ah taasi oo boqolkiiba (45%) ay gabdho yihiin

Dowladda wanaaga iyo Xasiloonida. 

Waxaan $110 million ku caawin-doonnaa  dowlad wanaaga , xallinta khilaafaadka iyo dib u habeynta garsoorka dalka.

Goobjoog News