U bood dhigaalka

Soomaaliya: Mareykanka Oo Duqeyn Cirka Ah Ku Dilay Dagaalyahanno Ka Tirsan Alshabaab

Sheeko:Dalka

Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay Maanta oo Arbaco ah in ciidamada Mareykanka oo kaashanaya ciidamada dowladda Soomaaliya ay qaadeen duqeyn Cirka ah taasi oo lagu dilay Saddex ka mid ah dagaalyahannada Xarakada Alshabaab.

Hoggaanka Mareykanka ee Afrika ayaa ku sheegay War-saxaafadeed ay soo saareen “Waxaan Xaqiijineynaa hadda in aysan dhicin waxyeello ama dil loo geystay dad rayid ah inta ay socotay duqeyntaan Cirka ah”, taasi oo ka dhacay Meel 40Km kaga beegan waqooyi Galbeed Muqdisho.

Goobjoog News