U bood dhigaalka

Soomaaliya Oo Barri Laga Ciidayo

Sheeko:Dalka

Wasiir wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha Diinta dowladda federalka ee Soomaaliya Shiikh Nuur Maxamed Xuseen,ayaa sheegay in maalinimada Barri  oo Talaada ah ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga, sanadka 1440 Hijriya.

Wasiirka ayaa  xusay inay  bilashada Bisha Shawaal laga arkay gudaha dalka gaar ahaan gobalada Shabellaha hoose,Shabellaha dhexe iyo waliba deegaano dhaca Jubbada hoose.

Sidoo kale wasiirka waxa ayaa  sheegay in deegaanda  bisha laga arkay ay  ka mid yihiin Wanlaweyn iyo Afgooye oo Shabeelaha hoose aha iyo waliba deegaano hoos yimaada magaalada Jowhar ee gobalka Shabeellaha  dhexe ah.

Dhanka  kale wasiirka ayaa sheegay in ay  jiran deegaano hoos taga Kismaayo oo Jubbada hoose ah in laga arkay bilashada  bisha Shawaal,sidaa darteedna  ay maalinta  barri  tahay maalino Ciida ah  sida uu sheegay wasiirka wasaaradda Owqaafta Shiikh Nuur Maxamed Xuseen.

Halkaan ka aqriso qoraalka

Goobjoog News