U bood dhigaalka

Soomaaliya Oo Beenisay Inuu Jiro Heshiis Muqdisho Iyo Abu Dhabi Ay Ka Gaareen Arrinta Berbera

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya H.E. Amb. Axmed Ciise Cawad oo wareysi siiyay HCTV ayaa beeniyay inuu jiro heshiis isafgarad oo dhex maray Imaaraadka iyo xukuumadihii soo maray Soomaaliya, isaga oo arrinta wasiiru dowlaha Abu Dhabi ku tilmaamay mid aan wadan caddeyn qoraal ah iyo mid kale.

Amb Cawad oo arrintaas jiritaankeeda wax laga weydiiyay waxaa uu ku jawaabay“Maya, ma heyno, haddii uu jiri lahaa heshiis dowlad Soomaaliyeed gashay, oo magaca dowladda Soomaaliyeed  lagu galay haddii uu jiri lahaa  buuqma ma jireen, dowladda Soomaaliyeed wey ixtiraami laheyn wixii heshiis ah, Imaaraadku nama tusin ilaa iyo hadda wax heshiis ah oo dowladda Soomaaliyeed ama xukuumadihii Soomaaliyeed ee federaaliga ah ay la gashay nama tusin, wuxuu wasiiru dowluhu sheegay in ay jiraan tafaahum(is-afgarad), Tafaahum iyo heshiis waa kala duwan yihiin, Tafaahum waxaa uu iman karaa in labo sheekeysato IWM, siyaabo kale ayuu ku iman karaa, laakin haddii uu jiro heshiis la kala saxiixday weli ma aanan arag, xataa haddii uu jiro isafgarad, ma si qoraal ah yuu ku dhacay, ma ogtahay waa jiri kara MOU ama isafgarad xusuusb ama afka oo laga wada hadlay, marka Imaaraadku inay na tusaan wax muujinaya heshiiskaasi weli waa ka sugeynaa, haddii aan heli laheynna arrintu meeshan ka gaarteen”

Todobaadkii hore, wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda  Imaaraadka Carabta Anwar Maxamed Qarqaash, oo wareysi gaar ah siiyey laanta Afka Carabiga ee BBC –da ayaa sheegay in arrinta Berbera ay heshiis isfaham ah kala galeen dowladda federaalka ah isaga oo arrintaasi ka hadlaya waxaa uu yiri “ Is faham ayaa jiray, weliba isfaham cad, oo sheegaya in siyaasadda Soomaaliya ay mid tahay, laakin Somaliland oo Soomaalida Ingiriiska gumeystay iyadana in aan ka fulin karno mashaariic horumarineed ama kuwoo gargaar ah, is-afgaradkaas xukuumado badan ayaa waafaqsanaa..ilaa ay dhacaan doorashooyinkii ugu dambeeyay oo dalka xulufo cusub yeeshay’.

Anwar Maxamed Qarqaash oo lagu celiyay in dowladda federaalka ah kala heshiiyeen arrinta Berbera waxaa uu ku jawaabay “Waxaa jiray isfaham cad oo na dhex maray xukuumadihii Soomaaliya, isfahamkaasina waa caddaa in la mowqifku yahay in la taageero Soomaaliya oo mid ah…haddii Soomaliya aan dal qura u aqoonsannahay taasi nagama reebeyso in aan taageero iyo horumarin ka fulinno Somaliland”.

Beeninta wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya H.E. Amb. Axmed Ciise Cawad ee jiritaanka heshiis ama is-afgarad arrinta Berbera ka dhex maray labada dal, waxaa uu meesha ka saarayaa shaki badan oo ka jiray in maamulladii hore ee dowladda federaalka ah ay si qarsoodi ah ula galeen dalka Imaaraadka Carabta.

Goobjoog News