U bood dhigaalka

Soomaaliya Oo Bilowday Dhoofinta Malayga, 30 Sano Kadib

Sheeko:Dalka

Soomaaliya ayaa waxaa ay dib u bilowday dhoofinta Malayga 30 sano burburkii xukuumaddii dhexe J.D ee Soomaaliya.

Ganacsatada gudaha Soomaaliya ayaa bilaabay in ay malayga u dhoofiyaan dalka aan dariska nahay ee Kenya, arrintan ayaa waxaa timid sidoo kale markii ay yaraatay burcad badeeddii xeebaha.

Ganacsatada Kismaayo ayaa warbaahinta u sheegaya in daggaallada sokeeye iyo warshado la’aan ay markii hore ka hor istaageen dhoofinta balse hadda ay heleen warshado cusub, qaboojiyeyaal iyo qalabkii loo baahnaa si ay malayga u dhoofiyaan.

Soomaaliya malayga caan ku ah waxaa ka mid ah Kingfish iyo tuna, taasi oo haddii dib loo bilaabo suuq badan yeelan-doonta.

Kenya waxaa ay bilowday dhowaan inay malayga ka keensato dalka Shiinaha, kadib markii ay wax ku tari waayeen malayga uga yimaada xeebteeda iyo Lake Victoria. Ganacsatada Soomaalida ayaa helay fursad qaali ah oo malayga ku geyn karaan gudaha Kenya.

Goobjoog News