U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Bilowday Xaraashka Bolookyo Shidaal, Maxaa Ka Dhalan Kara?

Sheeko:Dalka

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Batroolka Maxamuud Cabdikadir Hilaal ayaa talaadadii waxaa uu bartiisa Twetterka soo dhigay in dowladda federaalka ah ay bilowday xaraashka ilaa 7 bolook oo shidaal isaga oo intaa raaciyey in hawshan ay sanad qaadan doonto.

Hilaal oo sii hadlaya waxaa uu xusay in 130 ka tirsan shirkadaha wax maalgeshta ay qeyb ka ahaayeen shirka lagu bixinayey leysinnada lagu xaraashayo shidaalka Soomaaliya.

Goobaha ay ceelaha ku yaallaan waa : Galmudug(152, 153), Hirshabelle(164, 165), South West(177, 178) iyo Jubbaland(204).

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Batroolka Maxamuud Cabdikadir Hilaal waxaa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in xaraashka loo marayo sharciga shidaalka, lana saxiixi doono marka la isla meel dhigto sharciga canshuurta.

Dhankiisa, Senator Ilyaas Cali Xuseen oo madax ka ah guddiga kheyraadka ee aqalka sare oo arrinkan ka hadlay ayaa yiri “iib-geynta shidaalka Soomaaliya xilligan oo uu adduunka maraayo qiimaha shidaalka meeshii ugu xumeyd oo ah yaa iga qaata iyo adduunka oo la dalai dhacaya dhibaatada Coronavirus, waxay tusaale u tahay qorshe xumida iyo kala sareysiinta muhiimadaha dalka xilligan adag.

Goobjoog News