U bood dhigaalka

Soomaaliya Oo Ciidamo Nabad Ilaalin Ah U Direysa Koonfurta Suudaan

Sheeko:Amniga

Urur goboleedka IGAD ayaa Soomaaliya u ogolaaday inay qeyb ka noqoto dalalka ciidamada nabad ilaalinta ah u diraya dalka Koonfurta Suudaan, arrintan ayaa ka dambeysay shir aan caadi aheyn oo ay yeesheen September 12.

Si loo ilaaliyo dhaqangalka heshiiska ay kala saxiixdeen xukuumadda iyo mucaaradka Koonfurta Suudaan ayey ogolaatay IGAD inay geytso halkaas ciidamo ka socda dalalka Sudan, Uganda, Djibouti iyo Soomaaliya.

Qoraal ka isniintii ka soo baxay xafiiska IGAD ayaa lagu sheegay in Soomaaliya iyo Djibouti loo ogolaaday inay qeyb ka noqdaan ciidamada nabad ilaalinta ee loo dirayo koonfurta Suudaan.

Waxaa kale oo qoraalka ku jirtay “IGAD waxaa ay ka codsan-doontaa gola ammaanka in dib loo eego heshiiska nabad ilaalinta IGAD ee RPF iyo in loo ogolaado dalalka Sudan, Uganda, Djibouti iyo Somalia  inay ciidamo u diraan Koonfurta Suudaan”.

Goobjoog News