U bood dhigaalka

Soomaaliya Oo Dhibaato Ka Heysato Xakameynta Ka Ganacsiga iyo Dhoofinta Dhuxusha

Sheeko:Dalka

Inkasta oo ka ganacsiga iyo dhoofinta Dhuxusha lagu mamnuucay go’aan golaha ammaanka ee qaramada midoobay ka soo baxay 2012-kii iyo xataa go’aanka ay dowladda Soomaaliya ku mamnuucday hadana ka ganacsiga dhuxusha waxaa muuqata in aan si sahlan lagu istaajin Karin.

7-badii sano ee la soo dhaafay waxaa Soomaaliya laga jaray 8.2 million oo geed, taas oo sababtay in nabaad-guur dhaco, cunto yari, fatahaad iyo abaar ayaa intaasi u sii dheeraa.

Inta badan dhuxusha Soomaaliya waxaa loo dhoofiyaa dalalka dariska iyo Khaliijka, waxaana la heli la’yahay qaab arrinkaas ay dowladda Soomaaliya ku xakameyn karto.

Mahdi Guuleed, oo ra’isul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya iyo Juliette Biao Koudenoukpo oo UNka xagga deegaanka ugu qaabilsan gobolka oo ka hadlayey shir 2 maalin ka socday Muqdisho oo dhuxusha xoogga lagu saaray ayaa ku dheeraaday baahida loo qabo in dalalka iska kaashadaan mamnuucidda dhoofinta iyo ka ganacsiga dhuxusha.

Peter de Clercq, ku xigeenka ergeyga xogheyaha qaramada midoobey ee Soomaaliya oo isna goobta ka hadlay waxaa uu qabaa in ka ganacsiga iyo dhoofinta Dhuxusha ay ka dhalato abaar, biyo bax iyo cunto yari iyo in ay sidoo kale ka dhalato dagaaallo uga sii dara arrimaha banii’aadnimada.

Haddaba, waxaa su’aalo ka taagan yihiin, awoodda dowladda federaalka ah ay ku xakaeyn karto ka ganacsiga iyo dhoofinta Dhuxusha?

Goobjoog News