U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Diiwaan Gelisay Machadka UNAS iyo Qaramada Midoobay oo Dacwad u Heysta.

Sheeko:Dalka

Xafiiska UNSOM ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu maxkamad la tiigsan doono machadka Uinted Nation Accademy of Somalia oo adeegsatay magaca iyo sumadda qaramada midoobay isaga oo aan heysan fasax.

War Qoraal oo la soo dhigay bogga rasmiga ah ee UNSOM ku leedahay facebook-ga ayaa lagu yiri “ Adeegsiga sharciga ah ee magaca iyo astaanta Qaramada Midoobay kaliya waxaa lagu heli karaa kaddib marka la maro hannaan adag oo codsi ah oo u baahan oggolaansho qoraal ah oo ka yimaada Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay”.

Xafiiska qaramada midoobay ee Soomaaliya ayaa ku sheegay qoraal ineysan jirin codsi uu soo gubiyay ‘UNAS’ oo ah helida fasax ku hawl-gelid magaca qaramada midoobay, waxayna intaa ku dareen in aan magaca Qaramada Midoobay loo adeegsan karin hawlo ganacsi oo gaar ah, UNAS aysan heysan aqoonsiga Qaramada Midoobay.

Xiriir ay Goobjoog la sameysay madaxda ugu sareysa United Nation Academy Somalia ayaysan ka jawaabin wicitaankeena, si la mid ah xafiiska Qaramada Midoobay waxa uu ku sheegay warsaxaafadeedka in ay xiriir la sameeyeen machadka ayna la tiigsan doonaan dacwad ka dhan ah, u adeegsiga magaca UN-ka si sharci daro ah.

Dhawaan mar uu Goobjoog la hadashay madaxa warbaahinta xafiiska qaramada midoobay ee Soomaaliya Ari Gaitanis ayuu ku sheegay ineysan wax xiriir ah ka dhaxayn qaramada midoobay iyo machadka United Nation Soomaaliya.

United Nation Academy Somalia oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa facebook-ga taariikhdu markay aheyd May 5th 2020, ayay ku sheegeen iney ka tirsanyihiin United Nation Association of Somalia kuwaa oo xiriir la leh hey’ad la dhaho World Federation of United Nation Associations. Waxayna ku dhaleeceeyeen warka ka uu siiyay warbaahinta afhayeen xafiiska qaramada midoobay. Halkaa waxaa ka cad in machadka UNAS uusan xiriir la laheyn qaramada mdidoobay.

Qaar ka mid ah ardada iska diiwaan gelisay machadka UNAS oo xiriir la soo sameeyay Goobjoog ayaa u sheegay iney iska diiiwaan geliyeen machadka iyaga oo rumeysan inuu aqoonsi ka heysto hey’adda Qaramada Modoobay.

Goobjoog oo la hadashay u qaabilasaha afrika jaamacadda Qaramada Miboobay Prof. Samuel Kale oo aan wax ka weydiinayay jiritaanka hey’ad waxbarasho oo aan aheyn jaamacadda Qaramada Midoobay oo ka hawl gasha Soomaaliya iyo sida uu arko war uu saxaafadda siiyay guddoomiyhaa machadka UNAS oo uu su’aal ka keenay sharciyadda jaamacadda qaramada midoobay xafiiskeeda Soomaaliya ayaa yiri“ Ma fahmi karo sababta urur gaar loo leeyahay oo aan qeyb ka ahayn qaramada midoobay uu uga hadlo sharciyadda U peace ee Soomaaliya. Waxaan joognaa Addis oo ah caasimadda diplomaasiyadda. Hay’ad qaramada midoobay ahaan waxaan leennahay maqam diblomaasiyadeed. Uma maleynayo akadeemiyad isku sheegga UNka inay idin tusi karto hal warbixin ay leedahay qaramada midoobay”.

Intaa waxa uu ku daray in looga fadhiyo milkiilayaasha machadka UNAS iney dadka u soo bandhigaan sharciga muujinaya xiriirka ay la leeyihiin UN. waa maxay kaalinta qaramada midoobay ee akadeemiyaddaas. Qaramada midoobay waa hay’ad caalami ah mana abuurto hay’ado ganacsi ama maxali ah waana la ogtahay cidda iska leh akadeemiyadda UNka side ay ku dhacay taa?

Xiriir ay Goobjoog la sameysay wasaaradda waxbarashada ayay ku ogaatay in machadkaan uu leeyahay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi.

Warka ka soo baxay xafiiska qaramada midoobay ayaa u muuqda diginiin ka ma dambeys ah oo loo diray madaxda iyo milkiilayaasha machadka UNAS oo arday badan iska diiwaan gelisay bilihii la soo dhaafay, oo haddana ayba waxbarashada ay uga socoto qaab Online ah.