U bood dhigaalka

Soomaaliya Oo Gal-dacwadeed Laga Gudbiyey…Maxaa Ka Dhalan Kara Aamusnaanta Muqdisho?

Sheeko:Dalka

Safiirka Soomaaliya ee midowga Yurub  Dr Cali Saciid Fiqi ayaa ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay  ka hortagto “dhaawac soo gaara sumcaddeeda”, tilaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii Soomaaliya ay soo dacweysay shirkad ay 2013-kii heshiis kula gashay sameynta 6 markab oo kuwa roondada ah.

“Waxaan rabaa in dowladda Soomaaliya ay ka hadasho sharci ahaanshiyaha heshiiska, waayo kiiska maxkamadda laga furayo haddii laga aamuso waxaa uu dhaawacayaa sumadda dalka” sidaasi waxaa Goobjoog News u sheegay Dr.  Cali Saciid Fiqi

Hadalka Fiqi waxaa uu ku soo aadey iyaga oo shalay isniintii ay shirkadda qandaraaska kula jirtay dowladda federaalka ah arrimaha maraakiibta ee AMOSC  ay  ogaysiis la xiriira inay gal-dacwadeed ka furanayaan ah u gudbiyeen  Rotterdam, Holland.

TAMARA oo ah hey’adda kala saarta murannada la xiriira badaha ayaa kala saari-doonta dowladda Soomaaliya iyo Shirkadda AMOSC , shirkaddan waxaa ay ku doodeysaa in heshiiska ay la gashay Soomaaliya uu labo dhinac ahaa, sidaasi darteedna aaney ka bixi Karin dowladda federaalka ah.

Shirkadda AMOSC, waxaa ay dooneysaa inay hesho qiimaha lixda markab oo ah € 132 million oo lagu daray dul-saar dhan € 24.6 million, lacagtaas oo aheyd in la bixiyo intii u dhaxeysay July 29, 2013 ilaa March 2018, lacagta dollar ahaan waa $183  Milyan.

Heshiikan 6da markab ah, waxaa dowladda federaalka ah u saxiixay 2013-kii wasiirkii gashaandhigga Cabdixakim Xaaji Fiqi, waxaana goobjoog ka ahaa Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare), shirkadda waxaa ay dhameysay shaqada 2 weji oo midkiiba ku kacayo €33m, xiriir badan oo dowladda la soo sameysayna waxaa ay sheegeysaa in aan laga jawaabin, oo ballantii looga baxay.

Goobjoog News