U bood dhigaalka

Soomaaliya Oo Garaacday Zimbabwe Is Reeb Reebka Koobka Aduunka

Sheeko:Cayaaraha

Xulalka Soomaaliya Iyo Zimbabwe ayaa lugta kowaad ee taranka i sreeb reebka koobka aduunyada 2022 ee ka dhacay wadanka Qatar ku ciyaarayay garoonka Al Hagi Hassan Guuleed ee dalka Jabuuti,iyadoo qeybta kowaad uu kulanka kusoo dhamaaday barbaro goolal la’aan


Kulanka waxaa dir u ahaa u daawanayay guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab,wakiilka ciyaarayahanda ka keenay caalamka Saciid Cabdi Haybe (Zeno) iyo sidoo kale guddoomiyaasha kooxaha Muqdisho City,Elman,Rajo iyo Hilaac.

“Imitaankeena Jabuuti waxa ay aheyd in aan daawano oo aan dhiiri gelino xulkeena oo markii ugu horeesay lagu sameeyay is badal runtii dhallinyarada laga keenay dibadda waxa ay soo bandhigeen ciyaar aad u wanaagsan,waanse ku bogaadinaynaa da’daalka iyo is kaashiga ay wada sameeyay dhallinyarada ka ciyaara gudaha iyo qurbaha ee fursadan helay” waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay guddoomiyaha kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club Abuukar Maxamed Sheekh,isagoo ku hadlayay magaca guddoomiyaasha kooxaha kubbadda cagta dalka.


Markii leysku soo laabtay dheesha labada xul ayaa soo bandhigay ciyaar aad u saraysa soona jiidatay taageerayaashii kasoo qeyb galay,inkastoo Daqiiqadii 84 u dhaliyay laacibka kooxda Elman Anwar Sayid Cali oo kulanka badal kusoo galay.


Falanqeeyaasha iyo taageerayaasha ciyaaraha ayaad u soo dhaweeyay dhallinyarada laga keenay qurbaha,iyagoo ku amaanay da’aalka ay muujiyeen ka dib markii ay si wanaagsan isku kaa shadeen iyaga iyo ciyaartooyda ka dheesha gudaha wadanka.


Guddoomiyaha kooxda Elman Cabdirisaaq Faarax iyo wiilkiisa Yuusuf Cabdirisaaq Faarax ayaaa xaadir u ahaa kulanka,iyagoo dhii gelin iyo garb istaag u muujiyay Yonis Cabdirisaaq Faarax oo ka mid ahaa safka xulka qaranka una ciyaara kooxda Trysil ee dalka Norway.


“Alx riyadii aan lahaa waxa ay aheyd in aan xulkeena laga dhalin wax gool ah,balse waxaad aad ga farxisay qaab ciyaareed wanaagsan ay soo bandhigeen wiilasheena hadii sidan waqti badan loo siiyo waxaan aaminsahay in dalkeena uu samaynayo horomar ciyaareed” sidaas waxaa Goobjoog Sports u sheegay guddoomiyaha kooxda Elman Cabdirisaaq Faarax Cumar (Garooje).


Si Kastaba xulalka Soomaaliya iyo Zimababwe ayaa 09-September lugta 2-aad ee is reeb reebka koobka aduunyada ku dheelaya magaalada Haraare ee wadanka Zimababwe .