U bood dhigaalka

Soomaaliya Oo Go’aanka Trump Ee Qudus Ku Tilmaantay Mid Halis Ah

Sheeko:Dalka

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay waxaa ay ka hortimid go’aanka madaxweynaha Mareykanka uu Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Isra’il, Soomaaliya waxaa ay go’aankaasi  Trump ku tilmaantay mid halis ah.

Qoraalka waxaa uu u qornaa sidan:

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si dhow ula socotay, iyada oo ka walaacsan go’aanka halista ah ee uu qaatay Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump kaasoo uu ugu aqoonsaday magaalada barakaysan ee Al-Qudus in ay caasimad u tahay Israa’iil.

Waxaan ugu baaqaynaa Dowladda Maraykanka in ay si dhab ah uga fiirsato halista go’aankan uu ku leeyahay mustaqbalka dalalka Bariga-dhexe iyo guud ahaan Caalamka.

Sidoo kale, Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa dalalka Carabta, Islaamka iyo guud ahaan Caalamka in ay sii laba-laabaan dadaalkooda ku aaddan xal u helista Qadiyadda Falastiin si looga gudbo xasillooni darrada haraysay Gobolka.

Ugu dambayntii, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, dowlad iyo shacab, waxa ay la diyaar yihiin markasta taagerada iyo garab istaagga shacabka Falastiin sidii ay u hanan lahaayeen xuquuqdooda dowladnimo.

Dhammaad

Goobjoog News