U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Dalka Imaaraadka Uga Mahadcelisay Dhaawacyada Dalkooda Lagu Daaweynayo

Sheeko:Dalka

War Saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu amaanay dadaalka iyo waxqabadka dalka Imaaraadka ka wado dalka Soomaaliya  iyo qaadista dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Isniintii 21 bisha ka dhacay afaafka hore ee Madaxtooyada.

Wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliyaayaa  Mahad gaar ah u dirtay dalka Imaaraadka sida ay Isbitaaladooda u qaabileen dhaawacyada qaraxii ka dhacay Muqdishu.

Dowladda Soomaaliya ayaa u Mahadcelisay Madaxweynaha Imaaraadka Sheekh Khalifa Bin Zayid Ala Nahyaan iyo Dhaxal Sugaha Sheekh Maxamed Bin Zayid Aala Nahyaan,  waxaa sidoo kale loo mahadceliyay Madaxweyne ku xigeenka iyo Ra’isul Wasaaraha Imaaraadka Sheekh Maxamed Bin Rashid Aala Maktuum iyagoo ugu dambeyn u rajeeyay dalka Imaaraadka iyo dadkiisa Nabad galyo iyo Barwaaqo.

Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii toddobaadkii u dambeeyay ka dhacay afaafka hore ee Aqalka Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa loo qaaday isniintii September 28, 2015  Waddanka Iskutagga Imaaraadka Carabta si loo daweeyo.