U bood dhigaalka

Soomaaliya Oo Jaamacadda Carabta Ka Dalbatay In Laga Hortago Heshiiska Berbera

Sheeko:Dalka

Warqad ay heshay Goobjoog News, ayna u xaqiijiyeen diblomaasiyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa waxaa ku xusan in ergada Soomaaliya ee Jaamacadda  Carabta ay dalbadeen in ajendaha kulanka wasiirrada Jaamacadda Carabta ee Qaahira lagu daro qodob ku saabsan Dekadda Berbera iyo heshiiska Xaqdarrada ah.

Ergadu waxay  sheegtay in warbaahinta laga sheegay heshiis 3 geesood ah oo looga faa’ideysanayo Dekadda Berbera kaas oo ay galeen DP World, mas’uuliyiin gudaha ah iyo mid ka mid ah dowladaha dariska.

Qoraalka loo gudbiyay Jaamacadda Carabta waxaa lagu xusay in dowladda federaalka ah ay si rasmi ah u sheegtay in heshiiska aaney qayb ka ahayn, cid u matashana aaney jirin, iyada oo heshiisku ka hor imaanayo qarannimada Jamhuuriyadda Federaalka ah iyo in uu yahay faragelin arrimaha gudaha iyo midnimada Soomaaliya.

Heshiiskan waxaa lagu sheegay in ay wada-galeen dad aan wax bixin karin lana siiyay dad aan istaahilin, waxaana Jaamacadda Carabta loo gudbinayaa  qaraar ka dhan ah heshiiska, kuna qasbaya dowladaha xubnaha ka ah in ay u hoggaansamaan.

Goobjoog News