U bood dhigaalka

Soomaaliya Oo Ka Dalbatay Golaha Ammaanka In Imaaraadka Tallaabo Laga Qaado, Qaraarna Laga Soo Saaro

Sheeko:Dalka

Soomaaliya ayaa ololaha ka dhanka ah shirkadda DP World iyo dalka Imaaraadka u qaatay fagaaraha caalamiga ah iyada oo golaha ammaanka ee qaramada midoobey ka dalbatay in uu soo farageliyo arrinkan.

Abuukar Cusmaan, oo ah safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobey ayaa talaadadii u sheegay golaha ammaanka in Imaaraadka Carabta ay ku xad-gudbeen sharciga caalamiga ah iyo qarannimada Soomaaliya.

“Tallaabooyinka Imaaraadka waxaa ay ka hor imaanayaan shuruucda dowliga ah, xeerarka Qaramada midobey iyo xeerarka iskaashiga caalamiga ah” sidaasi waxaa yiri Cusmaan.

Wakiilka Soomaaliya waxaa kale uu heshiiska Imaaraadka iyo Somaliland ee saldhigga Militari ku sheegay mid ka hor imaanaya xeerarka cuna-qabateynta hubka mar haddii heshiiska dhigayo in hub la keeno gudaha Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya Abuukar Cusmaan oo Somaliland ugu yeeray maamulka “Waqooyi galbeed” waxaa uu sheegay in Soomaaliya aaney dhag jalaq u siin-doonin heshiisyada ay gasho, bal heshiisyadaasi ay wax u dhimmayaan midnimada iyo qarannimada Soomaaliya.

Dowladda federaalka ah waxa ay golaha ammaanka ugu baaqday in tallaabo sharci ah ka qaado arrintan, si loo ilaaliyo nabadda iyo xasiloonida dowliga ah iyo in golahan uu arrinta Soomaaliya go’aan ka soo saaro.

Soomaaliya ayaa u dhaqaaqday fagaaraha caalamiga ah kadib markii shirkadda DP World ee Imaaraadka ay heshiis 30 sano ah la gashay Somaliland oo ah dhul ka tirsan jamhuuriyadda Soomaaliya.

Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya labadiisa aqal ayaa horaantii bishan waxa ay soo saareen xeer dalka looga ceyrinayo shirkadda DP World, waxaa kale oo ay sharci darro ka dhigeen dhammaan heshiis ay shirkadda gashay.

Goobjoog News