U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Ka Gudubtay Wejiga 4-aad ee Deyn cafinta

Sheeko:Dalka

Hay’adda lacagta adduunka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan IMF, ayaa sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gudubtay dib u eegista 2-aad wajigiisa 4-aad ee deyn cafinta loo sameynayo dowladda Federaalka.

Hay’adda oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in xukuumadda Soomaaliya ay dadaal badan ku bixisay sidii deymaha looga cafin lahaa, waxa ayna sidoo kale hay’addu dowladda ku amaantay sida ay xoogga u saartay kobcinta dhaqaalaha.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo ka hadlay warka ka soo baxay hay’adda Lacagta addunka ee IMF, ayaa xusay in warkani uu guul u yahay guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Beyle oo arrintaas ka hadlaya waxaa uu yiri“Waxaa si guul ah noogu dhamaaday hanaankii SMP4 oo ahaa wajigii 4aad ee shuruudaha deyn cafinta Soomaaliya”.

Wasiirka maaliyadda oosii hadlay “Tani waa tilaabo weyn iyo natiijo muujineysa inagoo wadajirna in ay naga go’neyd horumarinta Maaliyadda Dalka”

“Soomaaliya hore ayay u dhaqaaqday, marka loo eego isbadalada iyo dib-uhaneynta Maaliyadda” ayuu yiri wasiir Bayle.

Soomaaliya ayaa lagu wadaa in sanadkan bartamihiisa loo ogolaado ama laga fududeeyo deynta ama loo ogolaado maalgeshi.

Goobjoog News