U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Ka Qeyb Galeysa Shir Lagu Cirib Tirayo Dabeesha iyo Cudurro kale

Sheeko:Caafimaadka

Waxaa subaxnimadii isniinta dalka Kuwait tagay wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Xaawo Xasan Maxamed iyo wafti ay hogaamineyso si ay uga qeyb galaan shirka kala fadhiga 62aad  ee Ururka Caafimaadka Adduunka Qaybta Bariga Dhexe oo ka furmaya dalka

Wafdiga Wasiirka Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya Waxaa ka mid ah La Taliyaha Wasaaradda Caafimaadka  Dr. Cabdi Cawad  iyo Dr. Cabdisamad Xasan Maxamed.

Hay’adda WHO ayaa sheegtay in shirkan ay ka qeyb qaadanayaan Wasiirada Caafimaadka iyo Mas’uuliyiin ka kala socota  Bariga Mediterranean-ka,  Guddiyada Goboleedka WHO ee Bariga Mediterranean-ka, Hay’ado kale iyo Xitaa bulshada rayidka ah.

Shirkan oo afar maalmood socon doona waxaa looga hadlayaa Cirib tirka dabeysha, Diyaar garowga, ka hor-tagga iyo Control-ka cudurada aan faafin iyo in la helo Istaraatiijiyad goboleed ku saabsan caafimaadka iyo deegaanka iyo guud ahaan istaraatiijiyadda Caafimaad ee 2014-2019.