U bood dhigaalka

Soomaaliya Oo Ka Qeybgashay Shirka Is Dhaxgalka Ganacsiga Ee Ka Dhacay Malaysia

Sheeko:Dalka

Dowladda Soomaaliya iyo xubno matalayay ganacsatada Dalka ayaa Sanadkii Labaad ka qeyb galay shir looga hadlayay xoojinta is-dhexgalka xirriirka ganacsiga iyo maalgashiga Waddamada Carabta iyo Aasiya.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay xubno ka kala socday Dowladaha Carabta, Waddamada Aasiya, ganacsato iyo maalgashadayaal ka kala socday Waddamada Caalamka, iyadoo halkaasi lagu soo bandhigay fursado muhiim u ah maalgashadayaasha Dunida.

Wafdiga Dowladda Soomaaliya ugu qeyb galaya shirka ayaa waxaa hoggaaminaayey uqeybsanaha ganacsiga iyo Wershadaha Soomaaliya u fadhiya Dalka Malaysia mudane; Maxamed Amiin Abuukar.

Mohamed Amiin Abuukar, oo shirka hadal ka jeediyey ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku faraxsan tahay in Sanadkii Labaad ay kasoo qayb gasho shirkaan muhimka u ah is-dhexgalka ganacsiga Waddamada Carabta iyo Aasiya.

Wuxuu ugu baaqay ganacsatada iyo Maalgashadayaasha kasoo qeyb gashay shirka in ay maalgashaan Waddanka Soomaaliya, isagoo tilmaamay inuu Dalku yahay mid soo koraya islamarkaana ay fursado badani jiraan, Soomaaliyana ay diyaar u tahay inay soo dhoweyso cid walba oo dooneysa inay ka qeyb qaadato fursadaha ka jira Dalkeenna.