U bood dhigaalka

Soomaaliya Oo Kaalinteedii Waddanka Adduunka Ugu Musuqa Badan Xajisatey

Sheeko:Caalamka

Shalay ayaa ay hay’adda “Tranparency International” soo saartay warbixinteedii sannadlaha ahayd ee musuqmaasuqa adduunka iyo kaalinta uu waddan kasta kaga jiro liiska.

Cabbirkan (index) waxa uu xog ka raadiyaa musuqmaasuqa ka jira hay’adaha dawliga ah ee 180 waddan. Waxa lagu waraystaa dad khubarro ah iyo ganacsato. Waxa uuna isticmaalaa cabbir u dhexeeya 0-100 (eber ilaa boqol). Mar kasta oo cabbirku u sii dhawaado (0) waa mar kasta oo musuqmaasuqa waddanku badan yahay. Mar kasta oo cabbirku u sii dhawaado (100), waa mar kasta oo heerka musuqmaasuq ee dalka ka jira uu yar yahay.

Sannadkan, in ka badan saddex meelood oo labo meelood oo ka mid ah waddamada adduunka ayaa (50) ka hooseeya. Waddamada adduunkuna dedaal fiican oo ku aaddan yaraynta musuqmaasuqana ma aysan samayn. Sidoo kale, waddamada ugu musuqmaasuqa badani waa kuwa nolosha saxafiyiintu ay halis ku jirto, ayna adag tahay inay ku nabadgalaan.

Lixdii sanno ee ugu danbeysey, waxa la xusay in waddamo dhowr ah si heersare ah u yareeyeen musuqmaasuqii ka jirey, waxana dalalkaas kamid ah Côte d’Ivoire, Senegal iyo Boqortooyada Ingiriiska. Waddamo kalena waa ay ka sii dareen waxana ka mid ah Syria, Yemen iyo Australia.

Sannadkan waxa labada kaalmood ee ugu horreeya galay waddamada New Zealand iyo Denmark, waxa ayna keeneen 89 iyo 88. Saddexda waddan ee Syria, South Sudan iyo Soomaaliya ayaa kala galay kaalmaha liiskan ugu hooseeya.

 Soomaaliya ayaa kaalinteedii ay caanka ku ahayd xajisatey, waa sanadkii 11-aad ee ay kaalintaasi si joogto ah u gasho, waxa ayna sidaas ku noqotay waddanka ugu musuqmaasuqa badan adduunka! Xitaa, South Sudan ayaa ay ka daran tahay sida warbixintan hay’adda ku cad. Soomaaliya waxa ay boqolkii dhibcood ka keentay sagaal dhibcood, taasi oo ka dhigan in cabbirka ugu hooseeya ee (0) aanay waxba u jirin, qarkana u saaran tahay inay noqoto waddan si buuxda uu u hareeyey musuqmaasuq.

Haddaba, waxa isweydiin mudan meesha ay mareen dedaallada ay xukuumadda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raysalwasaare Xasan Cali Khayre sheegto inay waddo si loola dagaallamo musuqmaasuqa. Waxa sidoo kale isweydiin mudan meesha uu ku danbeeyey ballanqaadkii Raysalwasaaraha iyo Madaxweynaha ee ahaa inaanay u dulqaadan doonin musuqmaasuqa iyo inay la dagaalami doonaan.

Goobjoog News