U bood dhigaalka

Soomaaliya Oo Ku Biirtay Suuqa Bariga Iyo Koofurta Afrika Ee Loo yaqaanno COMESA.

Sheeko:Dalka

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Lusaka ee dalka Zambia kaga qeyb galay shir madaxeedka 20-aad ee dalalka ku bahoobay COMESA.

June 8, 2016, Soomaaliya waxa ay codsi u dirtay ururka ganacsiga ee Comesa iyada oo ku doodey inay xubin ka aheyd ururkii ganacsi ahaa ee Comesa ka horreeyay ee loo yaqaaney  Preferential Trade Area.

Qoraalka ay xilligaas Muqdisho gudbisay waxaa ku jiray faahfaahin ku saabsan sida ay ugu diyaar tahay barnaamijyada Comesa.

Soomaaliya oo dadkeeda lagu qiyaasay 15.1 million ayaa wajaheysa dhowr caqabad oo xagga sharciga ah sida;

  1. Soomaaliya waxaa ay xubin ka aheyd ururka hooyada u ah Comesa ee Preferential Trade Area (PTA) laakin markii loo guuray Comesa 1994-tii ma codsan inay ku biirto ururkan cusub.
  2. Soomaaliya markii ay xubin ka aheyd ururka laga soo guuray ee PTA, dalka waxaa uu magaciisa ahaa Jamhuuriyadda dimoqoraadiga Soomaaliya halka hadda loo yaqaano jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Goobjoog News