U bood dhigaalka

Soomaaliya Oo Ku Jirta Liiska Dalalka Uu Mareykanku Ka Sheegay Hufnaan La’aanta Maaliyadeed 2019

Sheeko:Dalka

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, qeybteeda howlgallada dibadda ayaa soo saartay warbixinteeda la xiriirta “Hufnaanta Maaliyadeed ee Dalalka ee 2019”.

Warbixintan waxaa lagu eegaa in dalalka ay ka soo baxeen ugu yaraan talaabooyinka hufnaanta maaliyadeed ee loo dejiyey, waxaa kale oo dalalka ka soo bixi waayey la siiyaa talooyin muhiim ah.

Qiimeyntan la sameeyey sanadkan 2019-ka, Soomaaliya waxaa lagu daray liiska dalalka aaney ka jirin hufnaan maaliyadeed, inkasta oo la sheegay xoogaa horumar oo dhinacyada qaar ka jira, hadana waxaa la siiyey talooyin ku aadan qorsheyaal dhow iyo kuwoo fog oo ku saabsan sida ay u hagaajin karto hufnaanta dhaqaale.

Waxyaabaha Soomaaliya lagu ammaanay waxaa ka mid ahaa in ay daabacday warbixin sanadeedka, weliba waqti macquul ah.

Xilliga dib u eegista, xukuumadda federaalka ah waxaa ay daabacday miisaaniyadda iyo warbixinteeda, Internet-ka, weliba waqti macquul ah.

Xukuumadda federaalka ah,  Internet-ka kuma daabicin wax miisaaniyad ah ilaa sanadkan uu bilowday halka xukuumadihii 2013-2016 ay wasaaradda maaliyadda ku daabici jirtay Internet-ka.

Wasaaradaha qaar ee xukuumadda hadda jirta waxaa ay isticmaalaan qarash aan ku jirin miisaaniyadda, isla markaana aaney jirin cid ku sameysa xisaab xir ama la socota.

Waxaa intii loogu talo galay ka batay qarashka soo xarooda iyo midka baxaya intaba, sidaasi ay tahay xukuumadda waxaa ay baarlamaanka u keentay miisaaniyad kucelis ah, taas oo kor u qaadeysa aaminaada.

Hanti dhowrka iyo hey’adaha kale ee la socda miisaaniyadda waxaa lagu eedeeyey in dadweynaha aaney u soo bandhigin warbixintooda ee keliya ay la wadaagaan baarlamaanka federaalka ah.

Waxaa dowladda Soomaaliya lagu ammaanay heshiisyada la xiriira kheyraad qeybsiga ee ay la gashay dowlad goboleedyada iyo meelmarinta sharciga Batroolka.

Xukuumadda waxaa lagu ammaanay sida ay u shaacisay heshiiska kaluumeysi iyo leysinada ay bixisay.

Ugu dambeyntii, Dowladda Soomaaliya waxaa loo soo jeediyey in wax ka qabato:

  • In miisaaniyadda ay dadweynaha la wadaagto marka ay u gudbineyso baarlamaanka federaalka ah.
  • In dadweynaha lala wadaago deymaha gudaha ee xukuumadda qaadato, isla markaana lal socdo.
  • In la soo bandhigo miisaaniyadaha dib u eegista lagu sameeyey iyo qarashyada baxa, oo dadweynaha lala wadaago.
  • In aaney jirin xisaabaad ama qarash ka baxsan miisaaniyadda oo la isticmaalo, kuwaas oo aan lala socon.
  • In warbixinnada hanti dhowrka iyo qarashka baxa lala wadaago dadweynaha
  • In heshiisyada kheyraadka dabiiciga ah lagu bixiyo si waafaqsan heshiiska iyo xeerarka dalka.
  • In dadweynaha lala wadaago arrin kasta.

Liiska Dalalka Kasoo Baxay Hufnaanta Maaliyadda:

Afghanistan, Albania, Argentina, Armenia, Bosnia and Herzegovina, Botswana, Brazil, Bulgaria, Burkina Faso, Cabo Verde, Chile, Colombia, Costa Rica, Côte d’Ivoire, Croatia, Czech Republic, El Salvador, Estonia, Fiji, Georgia, Ghana, Greece, Guatemala, Guyana, Honduras, Hungary, India, Indonesia, Israel, Jamaica, Jordan, Kazakhstan, Kenya, Kosovo, Kyrgyz Republic, Latvia, Lithuania, Malaysia, Malta, Marshall Islands, Mauritius, Mexico, Micronesia, Moldova, Mongolia, Montenegro, Morocco, Namibia, Nepal, North Macedonia (formerly Republic of Macedonia), Panama, Paraguay, Peru, Philippines, Poland, Portugal, Romania, Senegal, Serbia, Seychelles, Sierra Leone, Singapore, Slovakia, Slovenia, South Africa, Sri Lanka, Thailand, Timor-Leste, Tonga, Trinidad and Tobago, Tunisia, Turkey, Uganda, and Uruguay.

Liiska Dalalka Ku Guuldareystay Hufnaanta Maaliyadda:

Algeria, Angola, Azerbaijan, Bahamas, Bahrain, Bangladesh, Belize, Benin, Burma, Burundi, Cambodia, Cameroon, Central African Republic, Chad, China, Comoros, Congo, Democratic Republic, Congo, Republic , Djibouti, Dominican Republic, Ecuador, Egypt, Equatorial Guinea, Eswatini (Swaziland), Ethiopia, Gabon, Gambia, Guinea, Guinea-Bissau, Haiti, Iraq, Laos, Lebanon, Lesotho, Liberia, Libya, Madagascar, Malawi, Maldives, Mali, Mauritania, Mozambique, Nicaragua, Niger, Nigeria, Oman, Pakistan, Palestinian Authority, Papua New Guinea, Rwanda, Samoa, Sao Tome and Principe, Saudi Arabia, Somalia, South Sudan, Sudan, Suriname, Tajikistan, Tanzania, Togo, Turkmenistan, Ukraine, Uzbekistan, Vietnam, Yemen,  Zambia iyo Zimbabwe.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, 

Goobjoog News