U bood dhigaalka

Soomaaliya Oo Liiska Ka Gashay Wadamada Ugu Shaah Cabista Badan Dunida

Sheeko:War

Maalin kasta sadex bilyan koob oo shaah ah ayaa dunida laga cabaa, shaaha waa mid ka mid ah waxyaabaha loogu cabista badan yahay aduunyada marka laga yimaado biyaha caadiga ah oo kaalinta koowaad ku jira marka laga hadlayo waxyaabaha cabitaanka ah.

Koobka shaaha inkastoo ay kala duwan yihiin hababka ay dadku u sameystaan iyo noocyadiisa, haddana waa qeyb ka mid ah nolol maalmeedka balaayiin ruux oo maanta dunida ku nool.

Waana cunsur aas-aas u ah marti soorka, kulamada qoyska, iyo asxaabta, waa waxa loogu jecel yahay cabiddiisa adduunyada oo idil.

Dadka qaar ayaa u caba shaaha xiisa ay u qabaan dhadhankiisa, kuwa waxay u isticmaalaan dawa ahaan, kuwo kale ayaa u caba si ay fir-fircooni maskaxeed uga helaan, dadka qaar ayaaba qabatima cabida shaaha oo aan maalin kaliya ka ahaan Karin Xaawo waxay ka mid tahay dadka sida aadka ah u caba shaaha.

“Badarka iyo Shaaha, Shaaha ayaa aad u isticmaalnaa waayo hadaana hadda aana Shaah isticmaalin madaxa ayaa i xanuunaya,xilliyada sida Soonka oo kale aad bay iigu adagtahay”.

Marka la tirinayo wadamada dunida dadkoodu ay ugu shaah cabista badan yihiin waxaa safka hore kaga jira qiimeyn la sameeyey sanadkii 2009kii wadamada Turk, Morocco, Ireland, Mauritania, iyo Boqortooyada ingiriiska oo ilaa kaalinta shanaad ku kala jira.

Wadankeenna Soomaaliya waxaa lagu tiriyaa wadamada Afrika kuwooda ugu shaah cabista badan, wuxuuna liiska wadamada shaah cabista badan kaga jiraa safka 68aad ee caalamka.

Marka qaaradda Afrika loo eegana waa wadanka (14aad) ee dadkiisu ay ugu shaah cabista badan yihiin.

Wadanka soomaaliya marka adduunka loo eego xitaa wuxuu ka shaah cabis badan yahay wadamada mareykanka, indunusiya, Germany, Denmark, Switzerland, Finland, Norway, France, iyo kuwo kaloo badan.

Qaaraadda Afirkana Soomaalidu waxay ka shaah cabis badan yihiin bulshooyinka wadamada Algeria, Cameroon, Niger, Rwanda, Uganda, Libya, Zambia, Burkina faso, Ethiopia, Suudaanta Koonfureed, Djibouti iyo kuwo kaloo badan.

Qiyaasta shaah cabista adduunka ee la sameyey sanadkii 2009kii waxaa lagu sheegay in qofka soomaaliga ahi isku cel-celis ahaan uu todobaadkii cabo in ka badan rubac iyo tumin caleen shaah ah oo la kariyey.

Lama hayo taariikh sugan oo dadka soomaalidu ay billaabeen shaah cabista, laakiin waxaa la rumeysan yahay in ganacsatadii carbeed ay dalka keeni jireen caleenta shaaha oo markeedii hore laga helay wadanka Shiinaha qarnigii sadexaad ee miilaadiga.

Soomaalidu waa dad shaah jecel miyi iyo magaalo meel kasta oo ay joogaan, waana cabitaanka ay sida weyn u qiimeeyaan waxaana laga garan karaa maah-maah gaamurtay oo leh “Rag waa Shaah! Dumarna waa Sheeko” Inkastoo suugaanyahankii garaad xirsi faarax wiil-waal oo qalbi dhowrayay afadiisa isla markaana ka baqay inay ku tilmaanto nin Dumarka xaqiray ayuu yiri: “Rag waa Shaah! Dumarna Waa iska Shaah Uun”.

W/D: Aweys Aar.