U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Loo Doortay Guddoonka Hey’adda Yareynta Khataraha Midowga Afrika

Sheeko:Amniga
Soomaaliya oo loo doortay qabashadda Guddoonka waddamadda xubnaha ka ah hay’adda African Risk Capacity (ARC) ee Ururka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Yareeynta Khataraha Musiibooyinka dabiiciga ah ee Ururka Midowga Afrika, taas oo ay ku jiraan wadamo dhowr ah oo ku yaalla Qaaradda.
Shirka 13-aad ee sanadlaha ah oo ay ku kulmeen 35-ta dal ee xubnaha ka ah ururka African Risk Capacity (ARC) ayaa waxaa looga hadlaa sidii wadamada Africa ee ku jira hey’adaan ay isaga kaashan lahaayeen ka hortagga iyo waxkaqabashada musiibooyinka dabiiciga ah ee ka dhasha Isbedelka Cimilada Adduunka.
Hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa Soomaaliya ku matashay shirka, waxaa sanadkan Gudoonka waddamadda xubnaha ka ah hay’adda African Risk Capacity (ARC) ee Ururka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Yareeynta Khataraha Musiibooyinka u doorteen Soomaaliya in ay noqoto.
Shirkan oo lugu qabtay xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Abeba ee dalka Ethiopia ayaa waxaa Hay’adda maareynta musiibooyinka uga qeyb-galay Gudoomiye ku-xigeenka Hay’adda Dr Axme Cabdi Aadan iyo Agaasimaha Waaxda ka digista iyo Yareynta Khataraha Mudane  Khatar Sheekh Maxamed Nuur.
Waa markii ugu horeysay ee Soomaaliya loo doorto xilka qabashada guddoonka laga soo bilaabo markii ay Soomaaliya sixiixday heshiiska uu ku dhisanyahay ururka ARC bishii Abriil Sanadkii 2021, iyada ay markaas Soomaaliya noqotay wadankii 35aad ee ku soo biira ururkan.
Goobjoog News