U bood dhigaalka

Soomaaliya oo loo doortay xubannimada guddiga fulinta xoghayayaasha Baarlamaanka Afrika

Sheeko:Baarlamaanka

Xoghayaha guud ee golaha shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux, ayaa loo doortay xubin kamid ah guddiga fulinta xoghayayaasha baarlamaanka Afrika.

War ka soo baxay golaha shacabka ayaa lagu sheegay in shir ka qabsoomay magaalada Johannesburg, in Buux loogu doortay xubin kamid ah guddiga fulinta xoghayayaasha baarlamaanka Afrika.

“Shirkii xoghayeyaasha guud ee Baarlamaannadda Afrika oo ka dhacay intii u dhexeysay 29 – 31 Ogoosto ee xarunta Baarlamaanka Afrika ee magalada Johannesburg ayaa waxaa xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdikarim Xaaji Cabdi Buux, loogu doortey xubin ka tirsan guddiga fulinta ee ururka Xoghayeyaasha Afrika,” ayaa lagi yiri war ka soo baxay golaha shacabka.

Golaha shacabka ayaa sidoo kale warka ka soo baxay lagu sheegay in xubin ka noqoshada guddiga fulinta ay tahay markii ugu horeysay ay Soomaaliya xubinninadaas ku biirto.

“Xubin ka mid noqoshada golaha fulinta ee Baarlamaanka Afrika ayaa noqaneeysa markii ugu horeysey ee Soomaaliya Xilkaas loo doorto,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay golaha shacabka.

Goobjoog News