U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Midowga Afrika Ka Diiday Codsi  Ku Saabsan Dhageysiga Dacwada Badda

Sheeko:Dalka

Soomaaliya ayaa la sheegayaa iney ka diiday guddiga midowga Afrika u qaabilsan arrimaha badaha iney soo hordhigaan kiiska muranka badda ee kala dhaxeeya dalka Kenya.

Muqdisho waxaa ay midowga Afrika u sheegtay iney kalsooni xad dhaaf ah ku qabto maxkamadda cadliga adduunka, isla markaana ay ka war sugeyso go’aankeeda.

Jawaabtan oo midowga Afrika loo diray 21-kii bishan, wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ay ku sheegtay in aaney munaasib aheyn in la aqbalo codsiga midowga Afrika xilli dacwada badda ay dhageysigeeda taalo maxkamadda ICJ .  Wasaaradda ayaa intaasi ku dartay qoraalkeeda in Maxkamadda ay ku adkeysay go’aan ka gaarista dacwada, isla markaana aaney wax heshiis ah arrintan kala geli-doonin kiiska badda.

Maxkamadda ICJ  ayaa u fariisan doonta wareegga 2aad ee dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya September 9-13, waxaa lagu qaban doonaa  Peace Palace, oo ku yaalo magaalada Hague, Netherlands.

Soomaaliya ayaa ku hormari-doonta September 9, halka Kenya la dhageysan doono jawaabaheeda September 11.

Goobjoog News