U bood dhigaalka

Soomaaliya Oo Qoraal Caro Ah Kasoo Saartay Gefka Mas’uul Kenyaan Ah

Sheeko:Dalka

Wasaaradda arrimaha dibadda ee JFS ayaa sabtidii ugu gudbisay safiirka Kenya ee Soomaaliya qoraal cabasho ah oo ka dhan ah xoghaye ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya Macharia Kamau, kaas oo qoraal Twitter Wasaaradda la soo geliyay ku sheegay Somaliland inay tahay dal.

Qoraalka wasaaradda waa ku jiray “Waxa aan u aragnaa farriintaasi lagu faafiyay Twitter-ka mid meel ka dhac ku ah madax banaanida Soomaaliya, midnimadeeda iyo bedqabka dhulkeeda, sidoo kale waxa ay dhaawacaysaa xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Soomaaliya waxa ay u taagantahay deris wanaagga, xushmad is weydaarsiga iyo iskaashiga dhow ee kala dhexeeya wadamada deriskeeda ah, sidaas si la mid ah ayay ka rajaynaysaa Kenya.

Qoraalka ay Soomaaliya ka carootey:

Goobjoog News