U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Raadineysa Kaalin ay Ku Yeelato Golaha Baarlamaannada Bariga Afrika

Sheeko:Baarlamaanka

Soomaaliya ayaa dooneysa in ay kaalin ku yeelato Golaha Baarlamaanka Bariga Africa iyadoo sidoo kale horay jawaab ka  sugeysay codsi ku aadan ka mid noqoshoda  ururka Ganacsiga xorta ah ee bariga Afrika,  East African Community (EAC).

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa Arbacadii wada hadal la qaatay Afhayeenka Golaha Baarlamaanka bariga Afrika(Eala) Daniel Kidega, kulanka waxaa uu ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Jawaari ayaa sheegay in ay doonayaan in ay wafti u diraan Eala si ay uga faa’ideystaan Doodaha ay yeelanayaan Xildhibaanada Baarlamaanada bariga Afrika.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya waxaa uu intaa raaciyay in Baaralamaanka Soomaaliya uu shaqo ka dhigan doona inta waqtigiisa ka hartay 3 arin kuwaas oo kala ah dib u eegista Dastuurka, arinta Federaalka iyo hor-umarinta Dhaqaalaha.

He noted that the Somali parliament has three main areas of focus in its mandate — constitutional review, federalisation of the country and economic development — which are at the centre of focus in rebuilding Somalia.

Afhayeenka Eala, Waxa uu sheegay in bulshada Bariga Afrika walaac ka qabto sidii xal waarta loogu heli lahaa Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa codsi u dirtay urur goboleedka EAC bishii March 2012, lakin weli looma soo jawaabin.