U bood dhigaalka

Soomaaliya Oo Rajo Ka Qabta Isticmaalka Adeega Muuqaal Caawiyaha Garsoorayaasha Ee VAR

Sheeko:Cayaaraha

Xiriika Kubbadda cagta caalamka ee FIFA ayaa dhaqan geliyay isticmaalida adeega caawinta garsoorayaasha kubbadda cagta ee loo yaqaano “Var” kaas laga soo gaabiyay (Video Assistant Referee) waxaana lagu tibaajiyay markii ugu horeesay koobkii adduunka ee ka dhacay dalka Ruusha ay guuleysteyn xulka France.

Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo ka mid ah garsoorayaasha heerka caalami ee kubbadda cagta Soomaaliya ahna guddoomiyaha ciyaaraha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in mustaqbalka adeega Var laga isticmaalidoono Soomaaliya faa’idana u yahay kooxaha u diiwaan gashan xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta si ay dhamaato eedaha laga sheekato garsoorayaasha kubbadda cagta.

Maxamed Cabdullahi Axmed (Digarey) oo ka tirsan garsoorayaasha xiriirka kubadda cagta sidoo kalane ah madaxa barnaamijyada Idaacada ciyaaraha Gool Fm ayaa bogaadiyay hadalka kasoo yeeray garsoorka Wiish wuxuuna buuq u diray madaxa isboortiga gudaha taas oo ku aadan in ay la yimadaan hadafyo horomarineyd oo wax tar u leh bulshada xiisanaysa horomarka iyo kobaca kubbadda cagta Soomaaliya.

Inta badan kooxaha kala duwan ee caalamka ayaa markii ay soo gaaraan heerka finaalada waxa ay ka cawdaan eex iyo goolal si qaldan uga dhasha taas keeni karta in koox kale ay si fudud u hanato koobkii loogu tala-galay,balse muuqaal caawiya garsoorka waxa uu fududeenayaa in lagu kala bixi si wanaagsan.

“Dalkeena markii loo eego horomarka iyo fahanka bulshada ee xaga ciyaaraha waxa uu ka horomar sanyahay wadamo badan oo bariga iyo bartamaha Afrika hadii ay arinta lagu dhaqaaqana waa talaabo ku tusinaysa isku tashiga bahada ciyaaraha Soomaaliya”waxaa sidaas qaba Goobjoog Sport u sheegay Xasan Yabarow Wiish.

“Garsoorayaasheena heerka caalami markii ay banaanka u aadan dhexdhexaadinta tartamadda kala duwan ee xiriirka kubbadda cagta qaarada Afrika ee Caf waa way ka tilmaamanyihiin isla kuwa qaarada  waxayna adeegsadaan qalabkii un danbeeyay ee garsoorayaasha caalamka hadii uu dhab noqdo hadalka garsoore Xasan Wiish waxaa dhambe kale oo horomar u ah kubbadda cagta dalka”waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay Maxamed Cabdullahi Axmed Digareey oo ka mid aha garsoorayaasha gudaha.

Sanadihii lasoo dhaafay isboortiga dalka ayaa ku tlaabsanayay horomar kala duwan waxayna arintaas ku timid wada shaqeyn wanaagsan oo ka dhaxaysa wasaarada ciyaaraha iyo dhalinrada dowladda,xiriirka kubbadda cagta iyo maamulka isboortiga Gobolka Banaadir.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Adeega Muuqaal Caawiyaha Garsoorayaasha Ee VAR

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/2103116436440752/

Maxamed Xuseen Qalinle