U bood dhigaalka

Soomaaliya oo U Yeertay Safiirka Kenya

Sheeko:Amniga

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay u yeertay Khamiistii Safiirka Jamhuuriyadda Kenya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal (Howlgab) Lucas Tumbo, waxaana qaabilay Wasiiru dowlaha Wasaaradda, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, oo u dhiibay dhambaal diidmo culus oo ka dhan ah diyaarad Kenya ay leedahay oo ku xadgudubtay hawada Soomaaliya 5-ta bisha Oktoobar , taasi oo caga-dhigatay gegidda diyaaradaha Kismaayo iyada oo aan heysan oggolaansho rasmi ah.

Soomaaliya waxa ay si adag uga soo horjeedaa xadgudubkani, marna ma aqbali doonto in lagu xadgudbo xuduudaheeda cirka, badda iyo dhulka, waxa ayna ugu baaqaysaa Kenya in ay jawaab celin ka keento xadgudubkaasi xilli ciidamadeeda ku sugan Gobolka Jubada Hoose ay ka qeyb yihiin Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay u aragtaa falkani mid ka hor’imaanaya dhammaan mabaadiida deris wanaagga iyo in dalalku ka reebtoonaadaan in faragelin gudaha ay isku sameeyaan.

Goobjoog News