U bood dhigaalka

Soomaaliya Oo Weli Ku Jirta Liiska Trump Ka Mamnuucay Mareykanka, 8 Dal Ayey Noqdeen

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa Soomaaliya mar kale ku daray liiska dalalka aaney muwaadiniintooda u safri karin dalka Mareykanka, waxaa liiskan laga saaray Suudaan.

Trump waxaa uu sidoo kale liiska kusoo daray dalal hor leh sida Kuuriyada Waqooyi, Venezuela iyo Chad, go’aankan ayuu gaaray sida uu sheegay xiriir dhex-maray isaga dalal kale.

Dalka Chad oo kale waxaa uu sheegay in uu saxiib la yahay Mareykanka balse aanu soo gudbin warbixinno la xiriira argigixisada, sidaasina loogu daray.

Dalka Ciraaq waxaa la sheegayaa in lagu adkeyn-doono baaritaanka Airportiyada laakin muwaadiniintooda aan loo diidi doonin Fiisaha.

Bishii June, waxaa uu Fiisaha ku adkeeyay  muwaadiniinta dalalka Soomaaliya, Suuriya, Iran,  libiya iyo Yaman, arrintaas oo keentay in qaxooti badan ay dalkaasi tagi waayaan.

Maxkamadda sare ee Mareykanka ayaa amarkan go’aan ka gaarid-doonta bisha soo socota, in la dhaqan-geliyo iyo in kale.

Goobjoog News