U bood dhigaalka

Soomaaliya Oo Xafiiska Keating Ku Eedeysay inuu Hurinayo Siyaasadda, Warbixinno Qaldanna Baahiyo

Sheeko:Dalka

Dowladda federaalka ah ayaa xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ee loo yaqaano UNSOM ku eedeysay in uu dab ku shidayo ama hurinnayo siyaasadda dalka, waxaa kale oo Muqdisho sheegtay in xafiiskan uu hoggaamiyo Michael Keating uu sawir iyo warbixinno marin-habaabin ah ka gudbiyo Soomaaliya.

Ergeyga Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Abukar Cusman ayaa todobaadkii hore golaha ammaanka u sheegay in dadaallada dib-u soo kabashada ee Soomaaliya ka socday ay waajib tahay in ay gar-wadeen ka noqdaan Soomaalida, loona arkaa in Soomaalida waddo.

 “Waxaan walwal ka qabnaa saraakiisha sare ee xafiiska UNSOM, kuwaas oo warbixinno ka soo saaro xaaladda siyaasadeed ee dalka”, sidaasi waxaa yiri Cusmaan.

Safiirka Soomaaliya ee Qaramada midoobey ayaa intaasi raaciyay “Waxaan ugu baaqeynaa hoggaanka UNSOM in ay waajibkooda u gutaan sida awoodahooda ku xusan, isla markaana ay ka fogaadaan dab ku shididda iyo qaska la xiriira arrimaha siyaasadda, taasi oo dhibaateyn karta dadaallada ay waddo xukuumadda ee soo celinta nabadda iyo xasiloonidda siyaasadeed.

Goobjoog News