U bood dhigaalka

Soomaaliya waa Dalka Ugu Qiimaha Hooseeya Canshuurka Iibka Ee Dalalka Bariga Afrika

Sheeko:Dalka

Cashuurta Iibka (Salex Tax): Cashuurtan sida magaceeda ka muuqata waxa laga qaadaa alaabaha iyo adeegyada la gadayo.

Dalalka Afrikada Bari, waxaa ay qaadaan qiimo kala duwan, Soomaaliyana waa dalka ugu hooseeya inta la qaado canshuurka iibka.

Canshuurta iibka ee Dalalka Bariga Afrika: Uganda: 18%, Brundi: 18%,  Tanzania: 18%, Sudan: 17%, Kenya: 16%, Ethiopia: 15%, Djibouti: 10.45%, Eritrea: 5%, Somalia: 5%

Dowlad walba waxay u baahan tahay in ay siyaadiso dakhliga soo gala waxayna u leedahay awood sharciyeed, qaab ka mid ah qaababka ay ku kordhin karto dowaladdu dakhliga soo gala waa qaadista canshuurta ganacsiga iyo shaqsiyaadka. Xukunka canshuurtu waxay ka turjumeysaa awoodda dowladda in ay bixin karto adeega danta guud ee bulshadu uga baahan tahay waana xuquuq u yeelanayo muwaadinka haddii ay timaaddo in canshuur laga qaado.

Goobjoog News