U bood dhigaalka

Soomaaliya: Wasiir Ku-xigeenka Arriimaha Dibadda Oo Loo Xiray Eedeymo La Xiriira Musuq

Sheeko:Amniga

Sida ay Goobjoog News u xaqiijiyeen ilo amniga ah, waxaa ay ciidamada dowladda xireen Mukhtaar Mahad Daa’uud oo ah wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda ee xukuumadda Kheyre

Mukhtaar Mahad Daa’uud waxaa lagu eedeeyay arrimo la xiriira musuq, iyada oo hadda lagu wado baaritaan arrimahaas la xiriira.

Mukhtaar waa sarkaalkii ugu sareeyay ee ka tirsan xukuumadda Xasan Kheyre oo loo xiro arrimo la xiriira musuq.

Goobjoog News waxaa kale oo ay la xiriirtay xafiiska ra’isul wasaaraha si arrinkan uga jawaabaan, laakin waa ka gaabsadeen

Wararka arrintan ku saabsan kala soco, Goobjoog News