U bood dhigaalka

Soomaaliya: Xafiiska UNSOM Baahi Looma Qabo

Sheeko:Dalka

Xafiiska siyaasadda ee qaramada midoobey uga furan Soomaaliya ee UNSOM ayey Muqdisho sheegtay in aan baahi loo qabin, isla markaana aanu la socon xaaladaha dalka ka jira iyo xaqiiqooyinka dhabta ah.

Abuukar Baalle oo ah safiirka Soomaaliya ee UN-ka oo jimcihii la hadlay golaha ammaanka ayaa sheegay in loo baahanyahay in xafiiskaas dib u habeyn lagu sameeyo sida uu ula jaanqaado xaaladda dhabta ah ee Soomaaliya ka jirta.

“Tani waxay sababtay in xafiiska uu dhacdooyin xooga saaro isaga oo wax yar uun siiyey awoodda taageero siyaasad ama mid farsamo oo ah baajiyada jira ee dhismaha dowladnimada” waxaa sidaa yiri Baalle.

Waxaa kale oo safiir Abuukar uu golaha ammaanka ugu baaqay iney meel iska dhigaan hadalada dhaadheer oo ay si qoto-dheer u eegaan dhibaatooyinka iyo xalka.

Golaha ammaanka ayaa waqtiga sii joogista UNSOM ku daray hal sano.

Goobjoog News