U bood dhigaalka

Soomaaliya Xilligaan Ma U Baahantahay In Loo Soo Daabaco Lacago Cusub?

Sheeko:Dalka

Dabar go’a shilinka Soomaaliga, waxaa uu sababay in dalka ay ku bataan isticmaalka lacagaha Elektarooniga ah oo dollar ah, waxa kaliya oo hadda la isticmaalo waa kunka Shilinka Soomaaliga ah.
Waxaa meesha ka baxay dhammaan lacagihii kala duwanaa oo la isticmaali jiray sida shanta boqol,boqolka Shilin,Kontonka Shilin iyo shilimaadkii la isticmaali jiray intaba.
Dowladda hadda jirta ayaa dhowr jeer oo hore ku cel-celisay in ay soo daabaceyso lacago cusub oo Shilinka Soomaaliga ah waxaana ku baxaya sida la sheegay 50 Milyan oo lacagta doolarka Mareykanka ah, dowladda Soomaaliyana ay ka dalbatay hay’adda lacagta aduunka ee IMF, iyada oo aan la shaacin nuuca lacagaha la soo daabici doona.
Aqoonyahannada dhaqaalaha dalka ayaa sheegay in xilligani aaney munaasib aheyn in dowladda ay soo daabacdo lacago cusub iyada oo guud ahaan gacanta ku heynin dalka.
Axmed Maxamed Xuseen dhaqaale-yahan waxa uu yiri “ Dhaqan-galinta lacagta oo ah socod-siinta lacagtaasi in ay tahay qaanuun, qofkii ku xad-gudba ama diida sharci qabanayo inuu jiro, marka haddii dowladda aysan gacanta ku heynin dhulka waxaa adkaanaya sidii howsha loo dhaqan galin lahaa “.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay dhankeeda in hadii hay’adda IMF ay ka soo jawaabto codsigooda ah in 50 Milyan siiso si lacago ay ugu soo daabacdo ay waxbadan iska badali doonaan in laga gudbo caqabadihii ka taagnaa dabar go’a shilinka Soomaaliga.
Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda waxa uu yiri.“ Konton Milyan Soomaalida ma bixin karaan xiligaan la taaganyahay, markaas waxa ay noqotay in IMF iyo bankiga aduunka aan barino oo niraahno intaas naga bixiya, iminka doon doonkeedii ayaa lagu jiraa “.
Caqabadaha ka taagan lacagta shilinka Soomaaliga ayaa soo jiitamayay wixii ka dambeeyay burburkii dalka , waxaa adag inaad wax ku iibsato lacagta shilinka Soomaaliga iyada oo aan lagaa qaadaneynin lacagaha darfaha ka jeex jeexan .
Dadka qaar ayaa qaba aragtida ah in lacagahaas cusub ee lagu wado in la soo daabaco ay horseedi karaan sicir barar sid dalalka qaar ka dhaca .
In la helo lacago shilinka Soomaaliga ah oo cusub waxa ay muhiim u tahay bulshada, waxaase meesha ka baxaya diidmada lacagaha jeex-jeexan oo aan jirin banki kaa badalo si aad u hesho lacago badalkooda ah.

Goobjoog News